112- Hawshan waxaa lagu soo diyaariyay wada shaqayn u dhaxaysa qaylo dhaanta SOS iyo booliiska

Telafoon moobil

Qofkee ayaa waxa ugu badan
ka og lambarkayaga?

Sannad kastaba qaylo dhaanta SOS waxay ka jawaabtaa saddex milyan oo telafoon oo soo mara lambarka deg-dega 112. Qiyaastii hal milyan oo ka mid ah telafoonadan soo dhacaa waa qalad – wax kasta way yihiin laga bilaabo wicitaan ciyaar ah ilaa telafoon ay ahayd inuu u gudbo mid ka mid ah lambarada kale ee bulshada. Miyaad adigu garanaysaa lambarka ay tahay inaad wacdo marka ay wax dhaceen?

Hadba sida ugu dhakhso badan ee aad ugu jawaabto si sax ah waxaa sii fiicnaanaysa natiijada aad adigu helayso. Nasiib fiican!

  • 112

    Lambarkan waxaa la isticmaalaa xilliga xaalado deg-deg ah marka ay jirto khatar ah nafta ama deegaanka.
  • 113 13

    Lambar waxaa la isticmaalaa si loo helo ama loo gudbiyo macluumaadka ku saabsan shilal khatar ah iyo xaalado dhibaato.
  • 114 14

    Lambarkan waxaa loo isticmaalaa la xiriirka booliiska ee ku saabsan dembiyada aan deg-deg ahayn iyo wargelinta, macluumaad dhiibida iyo warbixinaha.
  • 1177

    Lambarkan waxaa la isticmaalaa si loo helo talo bixinta daryeelka bukaanka iyo tilmaamida dhinaca daryeelka caafimaadka oo lagu bixiyo telafoonka.
Su'aasha 1 aad ee 10
00.00.00

Joornalada ayaa qoray wax ku saabsan xanuun baahsan oo ah hargab xun. Adigu waxaad dareemaysaa wel-wel. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Tuugo ayaa lagu jabsaday dukaan ku yaala halka aad degantahay oo adigu waxaad arkaysay waxyaabo aad doonayso inaad u sheegto booliiska. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Adiga lamaanahaaga aad wada nooshihiin ayaa calooshu xanuunaysaa. Haa, run ahaanti waa xanuun ka badan calool xanuunka caadiga ah. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Ilmahaagi sannad-jirka ahaa ayaa leh xummad. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Waa maalin jimce ah. Adiga iyo dhowr saaxiibadaa ah ayaa wakhti fiican ku wada qaadanaya jibis iyo looska. Adiga saaxiibkaa ayaa si kedis ah ay ugu adkaatay inuu neefsado iyadoo ay sabab u tahay looska. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Adiga oo booqanaya suuqa dukaamada ayaad buuqa dadka ka dhex maqashay quraarad la jebiyay oo waxaad aragtay saddex qof oo wejigooda qariyay oo ka sii cararaya dukaan iibiya saacadaha. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Go’itaan korontada ah ayaa ka jiray xaafadaada xilli laba saacadood ah. Iminka waxaa kugu bilaabmay wel-wel oo waxaad ka fikiraysaa marka ay dhici karto in ay korantadu dib u soo noqoto. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Adigu waxaad socod ku ag maraysaa meesha baabuurta la dhigto oo waxaad arkaysaa baabuur gubanaya. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Adiga waxaa jirka kaa soo baxay finan guduud ah kuwaas oo ku cun-cunaya oo wax yar ayaad wel-welsantahay.

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Anigu waan hubaa inaan baaskiilkaygi cusbaa ee korontada ku shaqaynayay ku qufulay bakhaarka shaqada, laakiin iminka waa la xaday. Lambarkee ayaad wacaysaa?

Weji aan faraxsanayn
Jawaab khalad ah.
Weji faraxsan.
Jawaab sax ah.

Waa kuwan jawaabaha saxda ah

  • 1
    Joornalada ayaa qoray wax ku saabsan xanuun baahsan oo ah hargab xun. Adigu waxaad dareemaysaa wel-wel. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    113 13
  • 2
    Tuugo ayaa lagu jabsaday dukaan ku yaala halka aad degantahay oo adigu waxaad arkaysay waxyaabo aad doonayso inaad u sheegto booliiska. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    114 14
  • 3
    Adiga lamaanahaaga aad wada nooshihiin ayaa calooshu xanuunaysaa. Haa, run ahaanti waa xanuun ka badan calool xanuunka caadiga ah. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    1177
  • 4
    Ilmahaagi sannad-jirka ahaa ayaa leh xummad. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    1177
  • 5
    Waa maalin jimce ah. Adiga iyo dhowr saaxiibadaa ah ayaa wakhti fiican ku wada qaadanaya jibis iyo looska. Adiga saaxiibkaa ayaa si kedis ah ay ugu adkaatay inuu neefsado iyadoo ay sabab u tahay looska. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    112
  • 6
    Adiga oo booqanaya suuqa dukaamada ayaad buuqa dadka ka dhex maqashay quraarad la jebiyay oo waxaad aragtay saddex qof oo wejigooda qariyay oo ka sii cararaya dukaan iibiya saacadaha. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    112
  • 7

  • 8
    Adigu waxaad socod ku ag maraysaa meesha baabuurta la dhigto oo waxaad arkaysaa baabuur gubanaya. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    112
  • 9
    Adiga waxaa jirka kaa soo baxay finan guduud ah kuwaas oo ku cun-cunaya oo wax yar ayaad wel-welsantahay.
    1177
  • 10
    Anigu waan hubaa inaan baaskiilkaygi cusbaa ee korontada ku shaqaynayay ku qufulay bakhaarka shaqada, laakiin iminka waa la xaday. Lambarkee ayaad wacaysaa?
    114 14